Faahfaahino ka soo baxaya howlgallo ka dhacay G/Hiiraan

22

Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee gobalka Hiiraan, waxay uga hor tageen isku day ay Al-shabaab ku doonayeen inay halkaasi shacabka degan uga qaadaan lacago Zakowaad ah, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidanka.

Al-Shabaab ayaa qof rayid ah oo amarkooda diiday ku dhaawacay Isgoyska Filaay oo 25-km dhinaca waqooyi ka xiga degmada Maxaas, sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Saraakiisha militeriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka warheleen qorshaha Al-Shabaab, sidaasna ay ku gaareen deegaanadaas, sida uu warbaahinta u sheegay Abaanduulaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornel Cabdullahi Barre.

Abaanduulaha ayaa xusay inay sii wadayaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, sidoo kalena ay hubinayaan in wadooyinka Maxaas iyo deegaanada ku xeeran ee ku xira Beledweyne si nabad-gelyo ah shacabku ku maraan.

Kornel Cabdullahi Barre waxa uu digniin u diray dadka xilliyada qaar isku daya inay isbaaro dhigtaan jidadka deegaanadaas, isagoo xusay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo sharci darro ah.