Shirar looga hadlayo dhismaha Hirshabelle oo ka socda Jowhar.

34

Waxaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Hoose ka soconaya shir looga hadlayo dhismaha maamulka Hirshabele, kadib markii maalmo ka hor lagu dhawaaqay xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Shirarkan ayaa waxaa yeelanaya odayaasha dhaqanka, guddiga doorashada iyo madaxda Hirshabele ee xiligan waqtigooda dhamaaday, iyadoona inta badan looga hadlayo sidii loo sii guda gali lahaa dhameystirka xubnaha baarlamaanka ka dhiman iyo doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Kulamada ayaa sidoo kale waxaa ay qeyb ka yihiin kuwa lagu dhameynayo muranka ka taagan dhismaha baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabelle iyo cabashooyinka ka soo yeraya beelaha qaar, sdii arrintaasi loo xalin lahaa.

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlaamanka Somalia ayaa ku sugan magaalada Jowhar, iyagoona halkaasi kulamo ka wado oo lagu xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya beelaha qaar