Koox hubeysan oo goordhow oday ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha.

34

Koox hubeysan ayaa goordhow qof shacab ah waxaa ay ku dileen deegaanka Ceelasha biyaha ee gobolka shabeellada Hoose.

Odayga ayaa la sheegay inuu ka soo baxay xaafad ku taala deegaanka Ceelasha biyaha, taasi oo ka socotay xaflad aroos ah, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee gobolka shabeellada Hoose.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmadeey Siidow Baaba, kaasi oo la dhashay Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda hubeysan ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana halkaasi ay gaareen ciidamo fara badan, kuwaasi halkaasi ka bilaabay baaritaano hor leh.

Ma  jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka ee ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Deegaanka Ceelasha biyaha  ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado, waxaana mas’uuliyada falalka qaarkood sheegta Al-shabaab