Itoobiya oo baaritaan ku sameyneysa dagaalkii u dhexeeyay Soomaalida iyo Cafarta

26

Dowladda Itoobiya ayaa baaritaan ku sameyneysa dagaalkii ka dhacay xadka gobolladda Soomaalida iyo Cafarta ee dalka Itoobiya, halkaas oo isku dhac uu dhowaan ku dhex maray labada qowmiyadood ay ku dhinteen 27 qof.

Toban ka mid ah dadkaasi waxaa la dilay 28kii bishan. Waxaa jira warar kala duwan oo sheegaya waxa sababay isku dhaca. Balse waxaa la sheegayaa in isku dhacu uu ka bilowday dhul ay isku haystaan gobollaada Soomaalida iyo Cafarta.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in sidoo kale dad lagu dilay deegaanka Welega, ee gobolka Oromia.