Khilaaf ka taagan dhammeystirka xubno ka dhiman Baarlamaan 2aad ee Hirshabeelle

22

Iyadoo maalmo kahor lagu dhawaaqay 90 xubnood oo kamid noqonaya baarlamaanakaan Labaad ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa warar ku aadan waxa ay sheegayaan inuu jiro muran ka taagan soo saarista inta wali ka harsan baarlamaankaasi.

Xubno siyaasiyiin ah oo Jowhar jooga ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay, in uu jiro muran arrimo siyaasadeed salka ku haya oo sababay in aan wali la soo saarin 9 xubnood oo ka dhiman baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle.

Khilaafka ayaa la tilmaamay inuu u dhaxeeyo Odayaasha iyo siyaasiyiin, iyo sidoo kale guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada Hirshabeelle.

Kuraasta harsan ayaa ah kuwo inta badan laga leeyahay deegaan ahaan, gobolka Hiiraan, waxaana adkaatay in Labadii maalin ee la soo dhaafay xal laga gaaro.

Mas’uuliyiin kamid ah maamulka waqtigu ka dhamaaday ee Hirshabeelle, iyo siyaasiyiin kale ayaa ku baxay in ay murankaasi taagan xal u helaan.

Maalmaha Sabtida iyo Axadda ee soo socda ayaa lagu wadaa in xubnaha lagu dhawaaqo haddii xal laga gaaro khilaafka taagan iyadoo kadib la wada dhaarin doono xildhibnaada.