Ayax fara badan oo ku habsaday gobolka Shabeellada Dhexe

28

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan, in Ayax fara badan uu ku habsaday deegaanno iyo tuulooyin hoostaga gobolka.

Ayaxan ayaa Saacadihii ugu dambeeyay waxa uu si ba’an ugu habsaday Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Hoose iyo Tuulooyin yar yar oo hoos yimaada.

Beeraha ayaa waxaa la sheegay in uu saameynta ugu badan uu u gaystay Ayaxan faraha badan, iyadoo sidoo kalena uu saameeyay xaafadaha degmooyinka iyo tuulooyinka lagu arkay.

Beeraleyda gobolka Shabeellada Hoose ayaa arrintan waxa ay ka muujiyeen walaac xooggan, iyagoo ka dalbaday maamulka Hirshabeelle, dawladda dhexe iyo hay’adaha qaabilsan arrimaha Beeraha in ay xaaladdan wax ka qabtaan.

Lama oga sababta ka dambeysa Ayaxan sida dhakhsaha leh ugu degay gobolka Shabeellada Dhexe, balse waxaa loo malaynayaa in uu ka yimid gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen Beeralayda ku dhaqan gobolka Shabeellada Dhexe ee uu saameeyay.