DFS oo sheegtay in maamul goboleedyada qaar ay soo magacaabeen guddiyada doorashada ku meteli doona

18

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in maamul goboleedyada dalka qaar ay soo gudbiyeen guddiga doorashada, isla markaasina dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu sheegay in Xukuumaddu laga bilaabo bisha soo aadan ay guda geli doonto hawlaha doorashooyinka, maadaama waqti xileedka Xukuumaddu ay tahay mid gabaabsi ah.

Intaa waxa uu ku daray wasiirku in inta badan maamul goboleedyada dalku ay soo magacaabeen guddiyada ku meteli doona doorashada dalka uu geli doono, sidaa awgeedna ay sahleyso sii ambaqaadka hawlaha doorasho ee looga dhafiyo hirgelinteeda, Xukuumada uu soo dhisay Raā€¯iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa uu sheegay wasiir Dubbe, in hawlaha ugu adage e hadda horyaalla dawladda in ay tahay sugidda Amniga guud ee dalka, gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Waxa uu intaa ku daray in hadda dawladdu wado qorshihii lagu sugi hawlaha Amniga, taasoo masuuliyad adag ay iska saartay.