Toogasho iyo qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay degmada Kaxda

35

Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay degmada Kaxda ku dileen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi, sida ay Idaacadda Kulmiye u sheegeen dad goobta ka dhawaa goorta uu dilkaasi dhacayey.

Guddoomiye waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray Ibraahim Colow Cali, gudddoomiyihii waaxda Shanaad ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda ayuuna ahaa.

Guddoomyaha waxaa lala dilay haweeney la socotay.

Waxaana la sheegay inay ku sugnaayeen goobo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, waxayna halkaas ka wadeen olole Tallaal .

Kooxdii dilka u geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana dilka kadib halkaas gaaray mas’uuliyiin ka socda maamulka degmada Kaxda iyo Askar ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dilkaasi kadib ayaa la sheegay inuu isla goobta ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, kaas oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxaas waxa uu ka dhashay gaari la sheegay inay meesha uga tageen dableydii dilka geysatay oo loo maleynayo, inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare kale oo soo gaaray dadkii ku sugnaa goobtaas.

Markii uu qaraxu dhacay waxaa la sheegay inay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda degmadaas.

Waxayna wararkii u dambeeyey ee aan halkaas ka heleyno sheegayaan in illaa Afar qof ay ku geeriyoodeen qaraxaasi.

Dilka iyo qaraxa maanta ka dhacay degmada Kaxda waxay ku soo aadayaan, iyadoo shalay ay kooxda Daacish sheegateen mas’uuliyadda weerar ka dhacay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley, kaas oo lagu dhaawacay Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada dowladdu waxay xilligaas dhawac ku qabteen ninkii u geystay weerarkaas oo haatan ku jira gacanta Laamaha Ammaanka, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.