Puntland oo ka war bixisay howlgallo ka dhacay gobollada Bari iyo Sanaag

23

Ciidamo ka tirsan booliiska ee Puntland gaar ahaanna u tababaran sida gaarka ah ee PMPF loo soo gaabiyo magacooda, ayaa waxa ay hawlgallo ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland.

Holgaladaas waxaa la sheegay inay ciidamadu qaadeen kadib markii ay hey’adaha ammaanka Puntland ka war heleen xogo sheegaya in xubno ka tirsan ururka Daacish ay halkaas dhaqdhaqaaqyo ka wadaan.

Saraakiishii hogaamineysay howlgalkaas waxay sheegeen in ciidamadu ka hor tageen weerarro ku soo wajahnaa Puntland ay qorsheynayeen ururada Daacish iyo Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Deegaanada kala ah Togga Warbad, Sanqalooc , Beeraha-hays, Jaanka Ceelaayo, Biy-Cad,  Dhagcaan iyo kuwo kale oo u badan dhulka xeebta ku teedsan ee gobolka Bari iyo buuraleyda Sanaag ayey si gaar ah maanta uga dhaceen howlgalladaas, sida ay sheegeen saraakiishu.

Sidoo kale waxay sheegeen in ciidamadu ay tageen goobo ay ka carareen Daacish iyo Al-Shabaab oo waayihii dambe fariisin u ahaa, waxayna sheegeen saraakiishu inay sii wadi doonaan howlgalladaas.