Deni sheegay oo ka walaacsan in xiisadda maamulkiisa kala dhaxeysa shirkadda DPWorld saameeyo xiriirkooda Imaaraatka

34

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siiciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxa uu furay kalfadhiga 47aad ee Baarlamaanka maamulka Puntland

Siciid Deni ayaa waxa uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga maanta oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ay ku leeyihiin magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi, khudbad uu kaga hadlayay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha,safarro uu ka tagay deegaanno ka tirsan maamulkaasi iyo qodobo kale

Madaxweyne Deni ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaaday xiriirka kala dhexeeya maamulkiisa Imaaraatka Carabta iyo Khilaafka shirkadda DP world .

Waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay xiisadda heshiisyadii shirkadda DPworld ee aan u dhaqan gelin sidii la rabay khilaafkana dhaliyay uu saameeyo xiriirkooda Imaaraatka Carabta.

Puntland iyo shirkaddan laga leeyahay Imaaraatka ee DPWorld ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf salka ku haya heshiiskii Dekadda Boosaaso iyadoo wararku sheegayaan in ay fashilmeen shirar ay Dubai ku yeelan lahaayeen madaxweyne Deni iyo madaxda DPworld.