Guddiga loo xil saaray dhacdadii Ceelwaaq oo natiijo horudhac ah soo saaray

27

Guddiga dhawaan Dowlad Gobaleedka Jubbaland u xil-saaray in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdo  22-kii bishii hore  ka dhacay Deegaanka Yadoo ee Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo taasoo la xiriirtay sideed ruux oo la sheegay in ciidamada Dawladda Kenya ka qabteen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa baaritaan dheer kadib maanta soo bandhiggay natiijadii ay ka soo saareen baaritaankoodi ee la xiriiray baadi goobkii ay ugu jireen dhacdadaasi.

Guddigga ayaa soo bandhiggida natiijada baaritaankooda ku shaaciyay in tirada guud ee dadka la waayay ay ahaayeen sideed ruux oo hal qof oo kamid ah uu geeriyooday Saddex kamdi ahna ay ku guuleysteen in ay dib ula midoobaan qoysaskooda halka afar kalana ay wadaan dadaalkii lagu soo deyn lahaa iyagoona sheegay in ay wada hadal kula jiraan dawladda Kenya dhawaana ay soo sii deyn doonaan.

Guddigga ayaa Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo kulan kula yeeshay Siyaasiyiinta, waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada ku nool Degmadaasi oo in badana sugayay waxyaabaha ka soo bixi doona baaritaankii ay guddigu wadeen.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlad Gobaleedka Jubbaland Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dadka 4 ka mid ah laga qabtay agagaarka koontiga Wajeer.

“Afarta kale ee maqan iyagana waan ku daba jirna Dowlada Kenya waxa noo socda wada hadal” ayuu yiri Taliye Cabadaas.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amnigga Dawlad Gobaleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hoggaaminayay gudigga loo xilsaaray dhacdadaan in ay baaritaan ku sameeyaan ayaa sheegay  in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagayaan waxyaabihii uga qabsoomay baaritaankii ay wadeen.

Kaliil ayaa sheegay in ay wajigii koowaad ku guuleysteen sii daysmada sedex ruux, qofkii geeriyoodayna ay keeni doonaan diyadiisa halka afarta kale ee dhimmana dadaal ugu jiraan sidii iyaguna loo soo deyn lahaa