Shiikh Shariif iyo Kheyre oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.

31

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Ra‘iisul wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wadahadlay arrimaha siyaasada soomaaliyeed gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimo kale.

Shariif iyo Kheyre ayaa sanadkan labadoodaba ah  musharaxiin u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankoodii ku wehlinayay xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada masuul ay isla soo hadal qaadeen dhowr arrimood oo ay ka mid tahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta iyo in si dhow ay isaga warqabaan labada masuul.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada masuul ay ku balameen in kulamo kale ay isugu yimaadaan maalmaha soo soo socda, islamarkaana ay bilaabaan isbaheysi siyaasadeed.

Waxaa hadda magaalada Nairobi ka socda iskaashi siyaasadeed kii ugu adkaa oo lagu wajaho doorashada soo socota ee madaxtinimada Somalia, waxaana halkaasi ku sugan xubno miisaan culus ku leh siyaasada soomaaliya.