Galmudug oo soo gudbisay xubnaha ku matelaya guddiga doorashooyinka

9

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynaha maamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxaa lagu soo  gudbiyay Xubnaha Galmudug ku matalaya Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee heer federal.

Masuuliyiinta  uu Madaxweynaha Galmudug uu soo gudbiyay  ayaa ka koobnaa Afar xubnood, waxaa ayna kala ahaayeen

1-Garaad Yuusuf Maxamuud-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.

2-Mustaf Macalin Cali Salaad-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.

3-Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf-Xubin Gudigga Doorashooyinka.

4-Liibaan Axmed Xassan-Xubin Gudigga Doorashooyinka.

Horey  sidan oo kale guddiga u soo gudbiyay Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo  Galmudug,  halka weli maamulka Hirshabelle uusan soo gudbinin.