BFS oo codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub ee R/Wasaare Rooble

31

Berri oo Sabti ah ayaa waxaa lagu wada in codka kalsoonida ay u qaadaan, xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, Xukuumadda Cusub ee la magacaabay.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa codka Kalsoonida u qaadi doona, waxa uuna kulanku dhacayaa maalinta Berri ah ee soo aadan, kadib marka ay yeeshaan kulankooda ka dhacaya xarunta ay ku shiraan ee Villa Hargeysa.

Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa ka soconayay Muqdisho, kulamo ay si gaar gaar ah u yeelanayeen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha wasiirrada ee uu dhawaan magacaabay Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulamadan ayaa salka ku hayay sidii ay codka kalsoonida u weydiisan lahaayeen Golaha wasiirrada magacaaban xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya