R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Uganda

16

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Yuganda Yuweri Museveni, kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdigan ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu fura shirkad balaaran oo soo saarta sokorta.

Shirkadan oo ay leedahay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalkan Uganda.

Wafdigan uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka jamhuuriyada Faderalka Soomaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo lagu martiqaaday munaasabadda furitaanka Warshadda sokorta ee Dalkaasi.