Puntland oo soo gudbisay guddiyada doorashooyinka ee Federaalka

13

Madaxtooyada maamulka Puntland, ayaa si rasmiya u soo  gudbisay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Labada xubnood ee Puntland ku matala Guddiga Doorashooyinka Federaalka, ayaa loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Tima-cadde iyo Muuse Geelle Faroole oo horay xilal uga soo qabtay Puntland.

Sidoo kale, labada xubnood oo Puntland ku matala Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Federaalka, ayaa Puntland u magacowday Siyaasi Burhaan Cilmi Filig iyo gabar La-taliye u ah Madaxweyne Deni oo lagu magacaabo Yaasmiin.