Dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan DFS

23

Warar na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamo ka wada tirsan dawladda Soomaaliya ay ku dagaalameen maanta magaalada Muqdisho.

Dagaalkan maanta ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxa ayna sheegayaan wararku in ay ka dhasheen khasaare soo kala gaadhay.

Inta hadda laga og yahay khasaaraha dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay hal Askari halka mid kalena uu ka soo gaadhay dhaawac.

Lama oga waxa ka dambeeya dagaalkan maanta dhex maray Ciidamadan ka wada tirsan dawladda Soomaaliya, balse waxa ay wararku sheegayaan in uu ku bilowday muran soo kala dhex galay .