Suxufiyiinta ku nool Jowhar oo cambaareeyay xariga Weriye Cabdullaahi Kulmiye

23

Suxufiyiina ka hawlgala gobolka Shabeellada Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar, ayaa waxa ay ka hadleen xariga loo gaystay Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow.

Suxufiyiinta ayaa tilmaamay in sharci darro ay tahay xariga Weriyaha kaas maalintii Afraad u xiran dawlada Soomaaliya.

Waxa ay dalbadeen in sid ugu dhaqsiyaha badan ay xorriyadiisa ugu soo celiso weriyaha maadaama aysan jirin sido sharci ah oo ay ku haysato.