Qaramada Midoobey oo shaacisay tirada dadkii ku barakacay Fatahaadihii dalka ka dhacay bilihii u dambeeyay

13

Warbixin ay soo saartay hey’adda Arimaha Gargaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa lagu sheegay in afartii billood ee ugu dambeysay ay fatahaadaha iyo daadadka jira ay barakiciyeen dad gaaraya illaa sadex boqol afartan iyo koow kun siddeed boqol siddeetan iyo afar ruux guud ahaan Soomaaliya .

Hey’adda, ayaa cadeeysay in Soomaaliya ay wajaheyso raashsiin yari ba’an 2.1 malyuun oo qof illaa bisha December ee sanadkan ayaa xaalku sii murgi doonaa haddii Wabigu uu mar kale fatahaad sameyo

Hey’adda FAO waxay sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shaeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu iminka gaaray 7.5m waxaana ay ka digtay fatahaad hor leh.

Gobolada hodanka ee wa soo saarkana leh ee uu maro Wabiga Shabeelle ayaa ka mid ah meela saameynta xooggan ay fatahaaduhu ku yeesheen.

Gobalka Shabeelaha hoose waxaa ku barakacay oo fatahaaddu saameysay 180,133 qof laga soo billaabo bishii July ee sanadka sida lagu sheegay warbixinta OCHA.

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaguna waxaa fatahaadda Wabiga ku barakacay 131,422.

Waxaa sidoo kale burburay dhul beereed baaxad leh gaar ahaan magaalooyinka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay.

Gobolka Hiiraan waxaa ay barakiciyeen fatahaada Wabiga 28,000 waxaana jirta cabsi laga qabo Wabiga gaar ahaan magaalada Beledweyne oo uu Wabigu leeyahay meelo jilicsan oo uu ka fatahi karo.

Fatahaadaha iyo daadadka waa halista ugu weyn ee xilligaan Dadka Soomaaliya ay wajahayaan,marka laga yimaado Ayaxa iyo Covid-19.