Soo xulista golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo oo maanta la soo gabagabeeyay

39

Soo xulista golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta la soo geba gebeeyay

Waxaa soo idlaatey doorashada 13-kursi oo ka dhimanaa 27-xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ergada ayaa maanta soo dooratay boosaskii ka dhimanaa, taas oo xaqiijisey in Gaalkacyo teelato Xildhibaano ay dadkeedu soo doorteen oo iyaguna u codeyn doona Madaxda Maamulka Degmada ee badalaya kuwii hore.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa doorashada maanta ee lagu soo dhameystirayay Golaha Deegaanka, maalinta Isniinta ah ee nagu soo wajahan ayaa loo balamey doorashada Duqa Degmada.