Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xir-xiray dalka Koonfur Afrika

24

13 qof oo Soomaali ah, ayey  Ciidamada booliska dalka Koonfur Afrika xabsiga u taxaabeen kuwaas oo ay ku eedeeyeen, in ay dib cusbooneysiiyaan  agabyadood ganacsi ee dhacay ama dhaafay waqtigii loogu talo galay, si ay u sii iibiyaan.

Ciidamada ayaa galay Warshad lagu farsameeyo waxyaabaha dhacay oo ku taalla magaalda Korte  , iyaga oo kasoo xiray 13 Muwaadiniintan Soomaaliyeed,kuwaas oo weli ay gacanta ku hayaan booliiska dalkaasi.

Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in dadkaasi ay farsameynayeen waxyaabaha dhacay, isla markaana ay Bulshada dib uga iibinayeen, taasina ay tahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale waxaa la xiray goobo ganacsi oo ay dalkaasi ku lahaayeen dad ajaanin ah oo aan dalkaas u dhalan, waxaan ku jira goobo ganacsi ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.