Digniin loo diray Marakiibta Isticmaasha gacanka Cadmeed iyo Badaha dalalka Carabta ku teedsan

58

Hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha badaha ayaa waxaa ay soo saartay digniin ku Socota maraakiibta isticmaala Badaha Carabta iyo gacanka Cadmeed  xilli ay yaraadeen weeraradii burcad badeedda Soomaalida.

Xafiiska Hey’addan caalamiga ah ee badaha ayaa  warbixinta wuxuu ku sheegay in ay yaraadeen khatarihii burcad badeedda, iyadoo aan wax dhacdooyin burcad badeednimo la diiwaan-gelin Labadii sano ee la soo dhaafay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in burcad badeedda bishii Agosto ay sii daayeen Seddexdii la heystayaal ee ugu dambeysay, kumanaan la heystayaal ah oo lagu afduubtay fal burcad badeednimo sanadihii la soo dhaafay tan iyo markii afduubka maraakiibta uu heerkii ugu sarreeyay gaaray sanadkii 2011.

In kasta oo ay hoos u dhaceen weerarada burcad badeedda, haddana hay’adda badaha adduunka waxay sheegtay in burcad badeedda Soomaalida ay weli awood u leeyihiin inay qaadaan weerarro kale.

Hey’add a badaha caalamiga waxay ku boorrisay maraakiibta inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah,  waxayna ku dhiirrigelisay in ay xiriir joogta ah la yeeshaan ciidamada ilaalada badaha ka haya.

Warbixintu waxay muujineysaa kor u kaca burcad badeedda ee badaha adduunka Sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2020,  40 boqolkiibaba ay kordheen tirada afduubyada laga soo sheegayo Gacanka Guinea, marka la barbardhigo sannadkii 2019 .