DFS oo sheegtay in amni darada ka jirta shabeellooyinka ay saameysay Beeraleyda ku gobolladaasi

30

Siihaya wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaliya  Siciid Xuseen Ciid  ayaa sheegay in beeraleeda Soomaliyeed ay wahayaan xaalado amni darro, iyagoo  Lacag fara badan ay ka qaado  dowlada Somalia, Al-Shabaab iyo Kooxo kale oo bur cad ah , sida uu sheegay.

Ku simaha wasiirka ayaa tilmaamay in cabasho ay soo gaartay kaga timid beeraleyda,  waxaa uuna qiray in ay in ay jiraan dhibaatooyin  ay wahayaan xilligaan dadkan beeralayda ah,waxa uuna  sheegay in jawaab ay ka bixin doonto dawladda Soomaaliya ayna damaanad qaadi doonto sugidda Ammaankooda.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in meelo badan oo ka mid ah gobolladan dhaca Labada Shabeelle ay Taliska Ciidamada Soomaaliyeed ay ka saareen Al-Shabaab, gudaha sanadkaan, taasina ay guul weyn u tahay shacabka iyo beeralayda ka caban jiray dhibaatooyinka kaga iman jiray Al-Shabaab.