M/weynihii hore ee Hirshabeelle oo ku baaqay in maamul cusub oo loo sameeyo gobolka Hiiraan

30

War qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga Madaxweynihii hore ee maamulka  Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa uu kaga hadlay u diyaar garowga doorashada maamulkaasi iyo qaban qaabada hada ka socota magaalada Jowhar.

Madaxweyne Cosoble ayaa shacabka ku nool gobolka Hiiraan  ugu baaqay iney dhistaan maamul u gaar ah oo ay ku gor-gortamaan.

“ Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan, Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan. “ Ayuu ku yiri Cali Cabdullaahi Cosoble madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Hirshabeelle qoraalkiisa uu ku soo daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook.