Qarax Ka Dhacay Inta U Dhaxeysa Magaalada Muqdisho Iyo Afgooye

54

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho  iyo Afgooye, waxaana wararku ay sheegayaan in uu jiro Khasaare ka dhashay Qaarxaas oo sida la sheegay lala eegtay Ciidanka Dowladda.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxa, waxana wararku intaas ku darayaan in qaraxa si gooni ah loola bartilmaameedsaday Ciidanka Haramcad ee ilaalada ka haaya waddada dhismuhu uu ka socde ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Lama soo warin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaas waxana goobta wax ka dhceen gaaray Ciidan ka tirsan dowladda kuwaas oo howlgallo billaabay Qaraxa kadib, mana la shaacin cid ay usoo qabteen qaraxa ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Waddada isku Xirta Magaalada Caasimadda ah ee muqdisho iyo Afgooye ayaaa waxaa kusoo laa-laabtay qaraxyada lala beegsanayo shaqaalaha ku howlan dhismaha waddadaas, waxaana horay dil iyo dhaawac loogu gaystay Injineerada dhisayay Waddada.