Xiisad dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan gobolka Sool

63

Wararka Idaacadda Risaala ka helsyo Magaalada Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada Puntland & maleshiyaad hubeysan oo taageersan Maamulka Soomaaliland.

Xiisadaan ayaa timid, kaddib markii duleedka magaalada Boocame ee Gobolka Sool, ay isku aruursadeen malayshiyaad hubaysan, kuwaas oo doonaya inay Magaalada Boocama kala wareegaan Ciidamada Puntland.

Dadka Magaalada Boocame ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay siweyn Maanta u dareemayaan xisiada dagaal e u dhaxeysa Ciidamada Puntland & maleeshiyaadka hubeysan ee taageersan Soomaaliland.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolka sool weli kama hadlin xiisada dagaal ee u dhaxeeysa Ciidamada puntland iyo maleeshiyaadka hubeysan, hayeeshee waxaa xusid mudan degaano ka tirsan gobolka sool ay horay ugu dagaalameen Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland, iyaga oo weli isku hor-fadhiya degaanka Tukaraq ee Gobolkaasi Sool.