Khilaaf ka taagan Dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo ee Galmudug

22

ararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in khilaaf xoogan  uu xilligaan ka jiro dhismaha golaha deegaanka magaaladaasi, kadib markii dhawaan Galmudug ay halkaasi ka dhistay golahaasi.

Khilaafkaan ayaa noqday mid hadal hayntiisa ku baahay dhammaan deegaanada maamulka Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khilaafka xitaa uu saameeyay ciidamo ka wada tirsan maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa MARKABLEY u sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo ka baxay ay gaareen deegaanka Gelinsoor, halka kuwa kalana ay soo tageen magaalada Gaalkacyo, iyagoona haatan isku horfadhiya deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin khilaafka ka soo cusboonaaday golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.