Dad careysan oo banaanbax ka dhigay Muqdisho

29

Banaanbaxaan ayaa waxaa dad careysan Maanta oo khamiis ah ka dhigeen Xaafado ku hareereysan Wadada Warshadaha ee degmooyinka Hurwaa & Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigay dad u badan Gaadiidleey, waxaana ay ka cabanayaan dhagxaanta lagu jaray wadada warshadaha, iyo lacago ay sheegeen inay ka qaadayaan Gaadiidka Ciidamada Dowladda, iyaga oo dalbanaya in wax laag qabto.

Mid kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay Risaala ayaa waxaa uu sheegay in ka sokow dhagxaanta wadooyinka qaar lagu jaray ay ka cabanayaan in Ciidamada dowladda ay Gaadiidleyda ku amrayaan inay bixiyaan lacag si ay wadada ku maraan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay koontorool Cusub soo dhigteen Isgyska Ex-koontorool Balcad, isla markaana Gaadiidleyda ay ka doonayaan lacag dhan $2 Dollar gaarigii aan bixina uusan u soo gudbeynin dhinaca kale  ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maalin ka hor munaasaad loogu magac daray furista Wadooyinka ka sheegay in wadooyinka dhagxaanta ku xirnaa ay fureen, hayeeshee ay soo baxeyso cabasho ku aadan in wadooyinkii la furay Gaadiidleyda laga weeydiinayo inay lacag ku maraan.