Maxaa looga hadley Shirka golaha wasiirada ee Koofur Galbeed ?

40

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa shir guddoomiyey shirka todobaadlaha golaha wasiirada oo maanta ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka u ah Dowlada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay ajendayaal oo ay kamid ahayeen Amniga,Cadaalada,Xaalada Degmada Afgooye Samaynta Fatahaadka ,Dib-udhiska Wadooyinka Magaalada Baydhabo iyo kuwo kale ayaa lagu falaqeyey shirka saacadaha uu socday.

Ugu horreyn shirka, madaxweynaha iyo Golaha wasiirada ayaa  tacsi u diray Taliyaha Guutada 7-aad Qeybta 60-aad ciidanka xooga dalka oo Xalay ku geeriyooday dagaal Dhexmartay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo Al-Shabaab.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda amniga gudaha Dowlada Koonfur Galbeed Isaaq Ali Subag oo Warbixin ku saabsan Amniga laga dhagaystay ayaa sharxay xaalada Amni ee deeganada Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa Waxaana uu xusay in todobaadkii laso dhaafay aan khalalaaso Amni ka dhicin Deeganada Koonfur Galbeed Marka laga Reebo dagaalkii Xalay ka dhacday Duleedka Degmada Afgooye, isagoo sheegay in ay ka hortageen weerarkaasi lagu soo qaaday.

Waxaana uu xusay in Ciidanka Xooga Dalka kuwa Koonfur Galbeed iyo Saaxiibada Soomaaliya ay wadaan Howlgalo lagu xaqiijinayo amniga deeganada Koonfur Galbeed dhawaana ay qorshaynayaan inay Bilaaban Howlgalo lagu furaayo Wadooyinka xiran ee gobolada koofur Galbeed.