Xasan Sheekh oo sheegay inaan Saddex sano ka dib wax jawaab ah laga bixin Qaraxii Soobe

19

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynahii hore ee Soomaaliya oo ka hadlayay musiibadii Isgoyska Soobe ka dhacday maanta oo kale, ayaa sheegay in qalbiyada dadka Soomaaliyeed aysan weli ka go’in dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba qaraxii Soobe ka dhacay, isagoona shacabka ugu baaqay midnimo iyo in wadajir loo wajaho cadowga ummadda Soomaaliyeed, si loo joojiyo buu yiri dhiigga shacabka ee la qubayo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in weli wax jawaab ah aan loo heyn sababta ka dmabeysay ee qaraxaasi, islamarkaana ay ku nafaftooda ku waayeen dad ku dhow 1000 ruux sida uu hadalka u dhigay.

Intaa waxa uu ku daray in dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ay kasoo gaartay qaraxii Soobe ay ku qanci karaan kaliya in cadaaladda la horgeeyo dadkii falkaasi ka dambeeyay.