RW Rooble oo Muqdisho kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe oo hadal Maanta ka jeediyay munaasadd lagu qabtay Tiyaatarka Qarnka oo xus iyo duco loogu sameeynayay dadkii ku dhintay qarixii 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la imaaneyso qorsho lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Shabaab adeegsadaan istiraatiijiyad ay dadka ku dhibaateen, sidoo kale dowladda Soomaaliya loo baahan yahay inay la timaado istiraatiijiyad farsameysan oo looga hortegi karo weerarada Al-Shabaab loona soo afjaro meelaha ay ku xiran yihiin.

Waxaa uu sheegay in Gawaarida ay ku fuliyaan weerarada qaraxyada ah ay ka helaan dad Walaal ah ama ehel ah oo ay ka qataan , loona baahan yahay in xooga la saaro sidii Gawaaridaas loo ogaan lahaa dadkii ay ka heleen si loo soo geba-gabeeyo qorshahooda weerarada.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo ka hortagga weerarada Al-Shabaab si dadka Soomaaliyeed ay nabad ugu wada noolaadaan.

Waa dagaalkii ugu horeeyay ee ka dhan ah Al-Shabaab oo uu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, waxaana madaxda Soomaalida ay caan ku yihiin sheegitaanka balan qaadyo aysan fulin doonin.