Kulan Addis Ababa uga socda hoggaanka sirdoonnada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea

8

Wararka aan ka heleyno magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in madaxda sirdoonada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir uga socda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saddexda dal oo faahfaahinaya kulanka ay saddexda mas’uul ee ugu sareeya sirdoonka wadamadooda ay ku leeyihiin magaalada Addis Ababa.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmay kadib booqashadii todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku tagay dalka Itoobiya.

Siyaasiyiin badan ayaa shaki ka muujiyay in shirka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda dal in looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, maadaama madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo is xulufsi siyaasadeed.