Cali C.Cosoble oo beeniyay war muran badan ka dhaliyay baraha Bulshada

17

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa beeniyay warar qabsaday baraha Bulshada ay ku kulanto ee Facebook, kaas oo sheegayay in Lacag Laaluush ah ay ka dalbadeen qaar tirsan shaqaalaha raysal wasaaraha Soomaaliya xafiiskiisa, gaar ahaan kuwa qaabilsan qayta Protocol-ka.

Qoraal kooban oo uu soo geliyay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu ku sheegay in arrintaasi ay tahay mid wax kama jiraan ah, isagoo raalli gelin ka bixiyay, in laga jabsaday ciwaankiisa Facebook.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xafiiska raysal wasaaraha uu kala dhexeeyo xidhiidh wanaagsan, wararka la faafiyayna ay yihiin kuwo been abuur ah.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka raali gelinayaa in maanta faceboogeyga la jabsaday war been abuur ahna lagu soo qoray. Raiisulwasaaraha iyo xafiiskiisa waan ku xiranahay cilaaqaad wanaagsan ayaana naga dhexeeya. Faceboogeyga waan soo ceshtay ee saa ha la ogaado.” ayuu ku yidhi qoraal uu soo geliyay bartiisa, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.