Raysal wasaare Rooble oo booqday qaar ka mid ah Isbitaallada dawladda

16

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada Dawladda, si uu u indho-indheeyo xaaladda guud ee Isbitaallada iyo adeegyada caafimaad ee ay siiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa ka mid ahaa goobaha caafimaad ee uu maanta kormeerka ku tagay raysal wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Maamulka Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa warbixino kala duwan ka siiyey raysal wasaaraha adeegyada caafimaad ee ay siiyaan Bulshada Soomaaliyeed iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dawladdu ay gacan ka siiso.

Raysal wasaare Rooble  ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo dhakhaatiirta ee Isbitaalladii uu booqday, shaqada wanaagsan ee ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed, kuna dhiirigeliyey in dadaalkooda ay sii xoojiyaan.

Waxa uu sidoo kale raysal wasaaruhu sheegay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto adeegyada Bulsho, isla markaasina waxa uu u balan qaaday in uu u dhammeystiri doono adeegyada ka maqan ee ay kula wadaageen warbixinnadii maanta ay siiyeen.