Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

19

Dowladda Kenya oo militerigeeda qaar kamid ah ay qayb ka yihiin howlgalka Midoowga Africa ee AMISOM ayaa markale u muuqata in ay si maldahan ay usoo bandhigtay, in ciidamadeeda  kusii sugnaan doonaan gudaha dalka soomaaliya.

Dowladda Ingariiska oo ka caabinaysa militeriga Kenya  dar dar gelinta  howlaha ciidamadeeda ay ka wadaan gudaha  Soomaaliya ayaa iminka waxaa lagu wadaa, in dhawaan ay tababar ugu soo xirto gudaha Kenya ilaa 600 oo Askari oo dheeraad ah, oo Kenya ay soo gelinayso gudaha dalka Soomaaliya, rajana laga qabo in ay badalaan Askar kale oo mudo shaqaynayay.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta oo wax laga waydiiyay halka uu marayo qorshaha uu ciidamadiisa difaaca kala  baxayo Soomaaliya, ee uu horay u tilmaamay sanadka 2021ka horaantiisa in ay ku aadan tahay ayaa ku jawaabay, in ciidamadiisa ay Soomaaliya ka bixi doonaan marka  xasilooni dhab ah laga dareemo dhulka Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya.

Brigadier Joakim Mwamburi oo ka mid ahaa hoggaanka Kenya ee howlgalka AMISOM ayaa qaba in Kenya ay si wayn uga faa’idaysanayso tababarada ay la garab taagan tahay, dowladda UK oo ah kuwo ka caawinaya ciidamadooda ku sugan Soomaaliya in ay wiiqaan awoodda kooxaha argagixisada.

Julius Court oo ah wakiil ku xigeenka dowladda Britain u qaabilsan Kenya ayaa sheegay in dowladiisa ay si dhow ula socoto xaalada amni ee dalka Soomaaliya Kenyana ay wada shaqayn xoogaan oo dhanka  nabadda Soomaaliya qusaysa ay la leeyihiin.