Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Eriteria

28

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhow gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Asmara si diiran ugu soo dhoweeyey dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Booqashada madaxweynahe farmaajo ayaa qaadan doonto muddo labo cisho ah, sida ay xaqiijisay xukuumadda Asmara.

Sidoo kale wuxuu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa madaxda sare ee dalkaasi, iyagoo ka wada-hadli doona, arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirkaa Eritrea iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan gaarin Asmara ka soo ambabaxay magaalada Jubba ee caasimadda Suudaanta Koonfureed, halkaas oo uga qeyb-galay munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska Suudaan islamarkaana khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay.