Guddiga Soo Xulista Barlamaanka 2-Aad Ee Hirshabeelle Oo Weli Kulamo Wada

26

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle.

Kulankaas oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Cismaan Maxamed Mukhtaar  ayaa waxaa looga hadlay arrimaha soo xulista Baarlamaanka Hirshabeelle iyo sidii ay u xareyn lahaayeen Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada.

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga dooday sidii Guddiga Farsamada u soo saari lahaa Jadwalka soo xulista Xildhibaanada, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Jadwalka la soo saari doono maalmaha soo socda.

Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa la filayaa in kulamo ay la yeeshaan beelaha degan deegaanada Maamulkaas, si ay uga hadlayaan arrimaha soo xulista Baarlamaanka.

Madaxda Maamulka Hirshabeelle ayaa horey u sheegay in Doorashada lagu qabanayo waqtigii loogu tala-galay, isla markaana waxaa socda diyaar garoowga ku aadan Ololaha Doorashada Maamulkaas.