Faah-faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Kismaayo

26

Inta la xaqiijiyey shan qof oo shacab ah ayey dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qarax loo adeegsaday Bam-gacmeed oo xalay ka dhacay xaafadda Kuba ee magaalada Kismaayo.

Koox aan weli la garan ayaa Bam-gacmeedkaas ku weerartay goob ay dad badani ku sugnaayeen, waxaana ka ag dhawaa fariisin ay ciidamada booliska Jubbaland halkaas ku leeyihiin.

Goobjoogeyaal ayaa noo sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada aammnku xaafadaas ka bilaabeen baaritaano ay ku baacsanayeen kooxdii fulisay weerarkaas.

Sidoo kale ciidamadu waxay fureen rasaas, in kastoo aan la soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxayna ciidamadu howlgallada ay sameeyeen ku soo qabqabteen dhalinyaro badan oo looga shakisanyahay falkaas.