Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug Oo Ansixiyay Sharci Uu Muran Ka Jiray

6

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas ku yeeshay kulankii 4-aad ee Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka.

Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa ansixinta mudada uu ku dhacayo kaarka xubinnimo ee Baarlanaanka iyo ansixinta hab-raaca fasaxyada Xildhibaanada oo horey la sheegay inuu uga jiray buuq.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 60 Xildhibaan, isla markaana waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo ku-xigeenadiisa.

Xildhibaanada ayaa markii hore dood ka yeeshay ajendayaasha, waxaana dood kadib Xildhibaanada cod ku meel mariyeen mudada kaarka Xildhibaanka oo ah afar sanno, halka markii hore Kaarka Xildhibaanka dib loo daabici jiray.