Ayax ku habsaday deegaano badan oo ka tirsan Puntland

17

Ayax ayaa lagu soo waramayaa inuu ku habsaday degaano badan oo ka tirsan Puntland, kaas oo dhibaato badan ku haya dhul daaqsimeed.

Mas’uuliyiin Puntland ayaa sheegay in Ayaxaas uu ku habsaday degaano ay ka mid yihiin Qoyan, Jiingadda, Damal-goray iyo  War-Idaad oo ka kala tirsan gobollada Sool, Sanaag iyo Bari.

Sidoo kale, odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaas ayaa sheegay in Ayaxu uu aad xaalufiyay dhul daaqsimeedkii iyo beerihii laga sugayey dalagyada.

Odayaasha iyo mas’uuliyiinta deegaanadaas ayaa xukuumadda Puntland, gaar ahaan wasaaradda deegaanka ka codsaday, in ay ka caawiso sidii Ayaxa looga kicin lahaa deegaanadaas.

Sidoo kale, degaanno ka tirsan Karkaar iyo Nugaal ayaa soo sheegaya in Ayaxu ku habsaday, waxaana laga cabsi qabaa in uu meelo kale ku sii fido.