R/W Rooble oo lagu wado in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada

17

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo golihiisa cusub ee wasiirrada.

Waxaa soo dhamaaday kulamo siyaasadeed oo gaar-gaar ahaa,kuwaas oo uu Rooble ka waday magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyay.

Kulamadaas ayaa la xariiray dhismaha xukuumaddiisa cusub.

Warar ay KNN heshay ayaa sheegaya in 48-ka saac ee nasoo aadan uu r/wasaare Rooble ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirrada.

Waxa ay wararku intaas ku darayaan, in  xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble ay ka dhex muuqan doonaan qaar ka mid ah wasiirrada xukuumaddii dhacday ee Xasan Cali Khayre.