Xasan Sheekh Maxamuud“Waxay ku haminayaan in ay soo saari karayaan dad yaroo ugaardiya”

20

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in musharixiinta mucaaradku aysan u diyaarsanayn ka qaybgalka doorashada Soomaaliya ee 2020\21.

Xasan Sheekh, wuxuu sheegay in madaxda hadda joogta ay doonayaan inay kuraasta barlamaanka keenaan dad yar oo askar camal ah iyagana u codeeya haseyeeshee aysan middaasi socon doonin tartankuna dhab noqon doono.

“Waxay ku haminayaan in ay soo saari karayaan dad yaroo ugaardiyana si ay ugu codeeyaan laakiin waxaan dhihi lahaa taas hortaa jiraa waayay”, ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wax laga waydiiyey lacagaha lagu geli doono doorashada waxa uu sheegay in dad badan oo doonayey kuraasta barlamaanka iyo madaxweynaha uu jeebkoodu celin doono haseyeeshee uu diyaarsan yahay.