Deni oo kulamo siyaasadeed ka bilaabay Nairobi kadib heshiiskii doorashada

7

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Jimcihii shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas ka bilaabay kulamo siyaasadeed.

Deni ayaa illaa hadda Nairobi kula kulmay siyaasiyiin dhowr ah oo u hanqal taagaya hoggaanka dalka, kuwaas oo mudooyinkii dambe ku sugaan magaalada Nairobi.

Siyaasiyiinta ku sugan halkaas waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, xubno ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno Nairobi waxay sheegayaan in Deni saacadihii u dambeeyay uu halkaas kula kulamay qaar ka mid ah wakiillo ka socday dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Xubno ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa noo sheegay in madaxweynuhu uu xalay la kulmay xubno mid ah sirdoonka dowladda Imaaraadka Carabta.

Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa intaas ku daraya in halkaas uu ka bilaawday abaabul siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ku wajahan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sida aan wararka ku heleyno isna ku wajahan maalmaha nasoo aadan magaaladaasi Nairobi ee dalka Kenya.

Siyaasiyiin badan oo mucaarad ku ah xukuumadda madaxweyne Farmaajo, isla markaana loolan adag ugu jira doorashada soo socota ee Soomaaliya ayaa haatan ku wada sugan magaaladaas.

Kulamada siyaasadeed ee ka bilaawday Kenya ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii tegay Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirar lagu jaan goynayey arrimaha doorashada Soomaaliya.