Siihayeyaasha Wasiirada Xukuumaddii Dhacday Oo Looga Yeeray Madaxtooyada

13

Siihayaasha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in goordhaweyd la isugu yeeray, waxaana wararku ay sheegayaan in Wasiirada Xilkoodu dhacay ay haatan ku sugan yihiin intaada badan Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in Wasiirada Xukuumaddii dhacday looga yeeray Villa Soomaaliya, iyadoo aysan jirin ilaa haatan Cid xaqijisay sababaha loogu yeeray wasiirada xukuumaddii dhacday ee Xasan cali Kheyre.

Wararku waxaa ay sheegayaan in yeeritaan koodu uu quseeyo Xukuumadda Cusub ee la filayo in uu soo dhiso Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga sugaayaa in uu si deg deg ah kusoo dhiso Xukuumad, waxaana uu waday tan iyo markii xilka loo magacaabay latashiyo uu la samaynayo  Siyaasiyiinta iyo madaxda Mucaaradka, waxaana Rooble aad u kooban waqtiga uu haysto.