Jadwalka doorashooyinka Soomaaliya 2020/2021 oo la shaaaciyay

37

Waxaa la soo saaray Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal, kuwaasoo isugu jira dhismaha Guddiyada kala duwan ee doorashada iyo Guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa la sheegay in la dhisayo ka hor magacaabidda/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada kama dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada.

Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood.

Cabashada doorashada ayaa waxaa gudbinaya si loo xaliyo ergooyinka codbixiyeyaasha ah iyo musharixiinta xildhibaannada iyaga oona guddigaan goo aha doorashooyinka ka sameysanaya xadiisyo halka saldhigoodu uu noqon doono muqdisho.

Guddiga doorashada ee labada heer dowladeed ayaa la magacaabi doonaa 10 bishaan octoner iyo 20 october.

Guddiyadaan ayaa la tababari doonaa 20ka bishaan illaa iyo 21ka bishaan.

Bisha soo socota ee noverber ayaa gabi ahaanba waxaa lasoo xulayaa lioska ergooginka iyadoona la diyaarinayo goobaha ay ka dhaceyso doorashada.

1bisha decenber illaa iyo 10 bisha december waxaa la soo doornayaa xildhibaannada aqalka sare.

10ka december iyo 27ka december waxaa lasoo dooranayaa xildhibaannada golaha shacabka.

Halka 1 bisha jannaayo ee sanadka soo socda illaa 8da febraayo waxaa la dooranayaa guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha jamhuuriyadda.

Goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan ayaa la asteeyay.

Koonfur galbeed baydhabo iyo barraawe ayay ka dhacayaan doorashooyinka.

Hirshabelle jowhar iyo beledweyne.

Galmusug dhuusmareeb iyo gaalkacyo.