Xiisadda France iyo Turkey ee dagaalka Armenia iyo Azerbaijan oo ka dareysa

24

France ayaa ku eedeysay Turkey inay calooshood u shaqeystayaal Suuriyaan ah u dirtay si ay uga qeyb qaataan dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh ee u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia.

Turkey waa ay beenisay inay maleeshiyaad u dirtay dagaalka.
France, Russia iyo Mareykanka ayaa wada maamula Ururka Amniga iyo Wada-shaqeynta ee OSCE ama loo yaqaan Minsk Group, kaasi oo la aas-aasay 1992-kii si uu xal nabadeed ugu helo muranka ka taagan gobolka Nagorno-Karabakh.

Gobolka Nagorny Karabakh waxa uu caalamka u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan, hase yeeshee waxaa degan dad Armenian ah oo doonaya inay goostaan, waxaana taageera Armenia.

“Madaxweyne Macron iyo madaxweyne Putin waxay isku raaceen baahida loo qabo dadaal wada-jir ah oo xabad joojin loogu gaaro,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Macron.

“Waxay sidoo kale wadaagaan walaaca ay ka qabaan calooshood u shaqeystayaal Suuriyaan ah oo Turkey ay gaysay gobolka Nagorno-Karabakh.”

Madaxtooyada Faransiiska ma aysan soo bandhigin wax caddeymo ah oo la xiriira eedeynta ka dhanka ah Turkiga. Sidoo kale Ruushka bayaan uu soo saaray kuma qeexin in Turkey ay dirtay maleeshiyaad.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa shalay isaga oo ka jawaabay hadal kale oo kasoo yeeray Macron wuxuu yiri “Haddii Macron uusan wax walaac ah ka qabin dhulka Azerbaijan, taageerada uu u muujiyey Armenia waxay la macno tahay inuu taageerayo qabsashada.”

Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo billowday Axaddii ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay in ka badan 100 qof.