Madaxweynaha Kenya oo diiday in dalkiisa laga fuliyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

30

Madaxweynaha dalka Kenya  Uhurru Kenyatta oo wareysi dheer ah siiyay warbaahinta France24, ayaa waxa uu  sheegay in uusan ogolaan doonin in milatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegayay in Aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.

Wargeyska New York Times ayaa bishii la soo dhaafay shaaciyay in milatariga Mareykanka ay oggolaasho u raadsanayaan inay duqeymo cirka ah ka gaystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyagoo ku beegsanaya dagaalamayaasha Alshabaab .

“Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas,” ayuu ku yiri madaxweyne Kenyatta oo wareysi siinayay Farance24 ee ku yaalla dalka Faransiiska halkaas oo maalmahan uu booqasho rasmi ah ku joogay.

Weerar ay bishii January Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Mareykanku ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo labo kale.