Deni oo ka hadlay jawdwalka cusub ee laga soo saaray doorashooyinka dalka

13

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu ka hadlay jadwalka doorashooyinka dalka ee la soo saaray.

Madaxweyne Deni ayaa waxa uu tilmaamay in hadda aysan jirin cabsi fara badan oo uu sheegay in uu ka qabay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Shir jaraa’iid oo uu aanta ku qabtay madaxweyne Deni garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho mar uu ka dhoofayay ayaa waxa uu sheegay in uu ku qanacsan yahay jadwalka cusub ee laga soo saaray xilliga ay dhacayaan doorashadooyinka Baarlamaanka Labada Aqal, Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha dalka lagu soo dooranayo.

Intaa kadib ayaa waxa uu sheegay in hadda ay muuqato in la qaaday dhabbihii suurtagelin lahaa in uu ka gallo nidaam doorasho oo ku dhacda jawi nabdoon oo degan.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirkiisa jaraa’id ka dib waxa uu u dhoofay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.