Caruur ku geeriyootay Ceel biyood ku yaala Laascaanood

27

Laba Carruur oo walaalo ah ayaa geeriyootay kadib markii ay ku dhaceen meel Biyo ku jiraan oo lagu dabaasho , taas oo ku taalla magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Halka ay ku dabaalanayeen caruurta ayaa markii hore ku dhacay mid kamid ah Carruurta, balse kan kale oo doonayay in uu samata bixiyo walaalkiis uu isagana ku dhacay, isla markaana Labadaba ay halkaasi ku geeriyoodeen.

Labada Carruurta ah ayaa da’dooda ay waxa ay kala aheyd Sagaaal jir iyo Toban Sano waxaana meydadkooda Laga soosaaray goobtii ay Biyaha ku jireen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay waqti dambe ahayd xilliga ay dhacdadan la kulmayeen Carruurtan yar yar walaalaha ah.