Dawladda Iran oo la sheegay in hub sharci darro ah Soomaaliya u marsiiso Xuutiyiinta Yemen

26

Sida ay daabacday Jariidada Carab News Koox  si dhuumaaleysi ah u dhoofinsa  hubka oo gacanta lagu dhigay ayaa shaaca ka qaaday habka ay dowladda Iiraan ay hubka ku gaarsiiso dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalama iyaddoo adeegsaneysa saldhig ku yaala gudaha Soomaaliya.

Qoraalka laga soo xigtay  Jariidadan Xuutiyiinta oo ka faa’iideysanaya xaaladda Yemen ayaa kalluumeysato u tababarey sida loo kala gubiyo hubka sharci darrada ah iyagoo isticmaalaya   waxyaabo muujinaya “samafal”.

Afar nin oo kamid ahaa shabakad hubka kala gudbisa oo bishii May laga qabtay marinka Bab Al-Mandab ee Badda Cas ayaa bixiyay xog ku aadan waxa ay qabtaan iyo sida ay u howl galaan.

Waxaa  kasoo muuqdey Yemeni TV, hogaamiyaha shabakada oo lagu magacaabo Alwan Fotaini, waxa uu sheegay in Xuutiyiinta ay qorteen sanadkii 2015-kii, isagoo  tilmaamay in uu diiwaan-geliyey nin uu magaciisa ku sheegay Axmed Xalaas.

Axmed Xalaas ayaa wuxuu ku wargeliyey in ay la shaqeyn doonan shaqsiyaad kale oo kalluumeysato ah kuwaasoo fadhigoodu yahay magaala xeebeedka Berbera ee  Somaliland.

Saldhiga Berbera ayaa ah meesha ay ka soo daabuli jireen hubka iyo shidaalka laga keenay dalka Iiraan    Ee ku sii jeeda dhaqdhaqaaqa xuutiyeenta ee laga dagaalamaya dowladda Yemen.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka jawaabin warbixinta lagu daabacay jariidada Carab News.

Shabakad muqalasiin ee hubka kala gubiya ayaa daaha ka rogtay qaabka ay u shaqeeyaan shabakadahan.

Waxaana Macluumaadka ay bixiyeen  ay xoojinayaan warbixin uu Jaraa’idka Policy daabacay taasoo daaha ka rogtay in Iiraan ay si toos ah u maalgeliso kooxaha  Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ka dagaalamaya wadanka Yemen